Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo qarax lagula beegsaday Sh/ Dhexe

0

MAHADAAY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa qabsaday gaari Cabd Bile ah oo galbinayay raashin ay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u waday degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 4 askari, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ah ciidamadii saarnaa baabuurka la qarxiyay.

Askarta geeriyootay ayaa waxaa ku jira laba Xidigle Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya ee hoggaaminayey howlgallada ka socda HirShabelle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa kadib ay kolonyadu horay u sii wateen socdaalkooda ku wajahnaa degmada Mahadaay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here