Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo qarax culus lala eegtay + khasaaraha

0

Boosaaso (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Puntland maanta lagula eegtay gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadaasi lala bar-tilmaameedsaday, xilli ay marayeen deegaanka Sugurre ee duleedka Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo kusii jeeday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa sidoo kale furay rasaas xoogan, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka uu deegaanka Af-urur ka dhacay dagaal ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here