Ciidanka ammaanka oo qabtay nin ‘dili rabay’ askari ka tirsan dowladda

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaabinta u soo bandhigay nin hubeysan oo lagu eedeeyey inuu dil u geysan rabay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa degmada Wadajir ee goblka Banaadir.

Afhayeenka ciidamada Booliska, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in eedeysanaha lagu magacaabo, Muxsin Cali Mustaf, islamarkaana uu qorsheeyey dilka askari ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka ee degmada Wadajir, balse uu ka hortagay Booliska Soomaaliya.

Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay howlgal qorsheysan ku soo qabteen ninkan oo watay Bistoolad, kuna howlanaa ‘falka dilka ah’.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay ku timid wada shaqeynta ka dhaxeysa Booliska Soomaaliya iyo shacabka magaalada Muqdisho oo uu si gaar ah ugu mahadceliyey.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ay ka wadaan Muqdisho, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here