Howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey Beledweyne, kadib dilkii Faarax Diir

0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa xalay, illaa saaka howl-gallo ka sameeyey gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkii Faarax Diir Cabdi oo ahaa guddoomiyaha ururka dhalinyarada ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay toogteen kooxo hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howl-galladu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada, balse ma jirto illaa iyo hadda faah faahin laga bixiyey baaritaanadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa xilliga la dilayey uu ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taalla bartamaha magaalada, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here