Ciidanka amniga oo soo qabtay nin muuqaal ka duubay gabar Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ee degmada Kaaraan ayaa xalay gacanta ku soo dhigay nin dhalinyaro ah oo muuqaallo ka duubay gabar Soomaaliyeed.

Muuqaallada oo si aad ah ugu baahay baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqatay gabar da’yar ah oo sarqaansan, kadibna laga duubay muuqaallo heeso la dul-saaray.

Ninka la soo qabtay oo hadda ku xiran saldhigga degmada Kaaraan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Gaabow, kaas oo haatan wajahaya eedeymo culus.

Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ee degmada Kaaraan ayaa xalay gacanta ku soo dhigay nin dhalinyaro ah oo muuqaalo ka duubay gabar Soomaaliyeed.

 

Muuqaallada oo si aad ah ugu baahay baraha bulshada  waxaa kasoo muuqatay gabar da’yar ah oo sarqaansan, kadibna laga duubay muuqaallo heeso la dul-saaray.

 

Ninka la soo qabtay oo hadda ku xiran saldhigga degmada Kaaraan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Gaabow, kaas oo haatan wajahaya eedeymo culus.

Dhanka kale taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in eedeysanaha ay ciidanka soo qabteen kadib markii ay shacabka degmada Kaaraan u soo gudbiyeen xogtiisa, islamarkaana sharcigga lala tiigsan doono.

Si kastaba, falkan ayaa waxaa si weyn uga faceliyay dadka Soomaaliyeed ee isitcmaala baraha bulshada, kuwaas oo ku baaqay in tallaabo adag laga qaado eedeysanaha xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here