Ciidanka Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin dil ka geystay Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dil xalay ka dhacay Hoteelka Niil ee ku yaalla magaalada Hargeysa.

Eedeysanaha lasoo qabtay oo lagu magacaabo Baashe Faarax Cabdi ayaa loo heystaa dilka Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan oo 25 sano jir ahaa.

Taliska Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha haatan gacanta lagu hayo uu dilka u adgeesaday Toorey, kaas oo haatan lasoo xiray.

Sidoo kale Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qadabn doonaan cid kasta oo fal amniga liddi ku ah ka geysata deegaanada maamulkaasi.

Ugu dambeyn Booliska ayaa aad u boggaadiyey shacabka wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, gaar ahaan gaha ay mar waliba la soo wadaagaan ciidamada Booliska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here