Ciidanka Jubbaland oo weerar ku qaaday deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

AFMADOW (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaan hoostaga degmada Afmadow ee gobolkaas, kaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa xiga dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada ammaanka Jubbaland iyo xubnaha Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Miido oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare xoogan.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay ku burburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sidoo kalena ay dileen laba xubnood.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here