Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabbabaran ee PSF ayaa lagu soo warramayaa in howlgallo ay ka billaabeen degaanno ka tirsan Gobolka Bari.
Ciidanka PSF oo ay wehliyaan kuwa daraawiishta ayaa u suuro-gashay in ay gudaha u galaan degaanka Bali-dhidin ee Gobolka Bari, waxaana halkaasi ay Ciidanku ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Saraakiisha ammaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidanka PSF iyo kuwa daraawiishta ay u ruqaansadeen dhanka buuraha Gal-galla ee Gobolka Bari, maadaama halkaasi ay maalmihii la soo dhaafay isku hayeen dagaal yahano ka kala tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish.
Ujeedka howlgalladan ayaa Saraakiisha Ammaanka waxay ku sheegeen mid lagu xaqiijinayo ammaanka, si bey yiraahaan looga horteggo in dagaal yahanada Al Shabaab iyo kuwa Daacish ay soo gallaan degaannada dhaca Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa dhulka buuraleyda Gal-galla waxaa ku dagaalamayay Ururada Al Shabaab iyo Daacish, iyadoona wararka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo dagaalka ka soo gaaray labada dhinac.
Degaanada ay isku hayaan Al Shabaab iyo Ururka Daacish ayaa sida la sheegay qiyaas ahaan 70 km dhanka bari uga beegan Magaalada Boosaaso.