Ciraaq oo cafineyso qeyb ka mid ah deyn ay ku leedahay dowladda Soomaaliya

0

BAGDAD (SMN) – Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika ee Jaamacadda Carabta Zayd Sabaan ayaa sheegay in dowladda Ciraaq usoo dirtay qoraal rasmi ah oo lagu ogeysiinayo in ay cafin doonto qeyb ka mid ah deymaha Soomaaliya ku leedahay.

Sabaan waxa uu sheegay in go’aamadii ka soo baxay shirarkii is xig xigay ee dowladaha Carabta ay ku booriyeen dalalka in ay mudnaanta koowaad siiyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Marka loo eego tirokoobyada, wadarta guud ee deynys Ciraaq ku leedahay Soomaaliya waxay ahayd ku dhawaad 187 milyan oo dollarka Maraykanka ah, ilaa December 2019, lama oga xiligan 2023 inta ay mareyso maadaama uu jirto lacag dulsaar ah oo ku socota.

Soomaaliya waxaa soo maray xaalado kala duwan, dagaallo iyo dowlad la’aan, iyadoo deymaha dibadda looga leeyahay oo gaaraya illaa 5 bilyan ay sii kordhaysay sanadba sanadka ka dambeeya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa bilaabey 2016-kii inuu wax ka qabto arrimaha deymaha dibadda ee Soomaaliya.

IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale ka shaqeynaya deynta cafinta Soomaaliya oo shuruudo adag lagu xiray dowladda inay kasoo baxdo, kuwaasoo ay kamid yihiin dib u habeynta nidaamka maaliyadda iyo kordhinta dakhliga gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here