Cudurka daacuunka oo ka dillaacay Afmadow

0

Wararka laga helayo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in 14 ruux ay u geeriyoodeen cudurka daacuunka, halka 50 kale ee uu soo ritayna lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

 

Maamulka Isbitaalka ayaa qeylo dhaan xooggan ka muujiyay cudurkan ka dilaacay degmada, iyadoona laga cabsi qabo in cudurkan uu soo rito dad horleh.

Dhinaca kale, Deeq daawo ah ayaa Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka ATMIS, William Kamoiro, wuxuu gaarsiiyay isbitaalka guud ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, halkaasi oo laga soo warrinayo xaalad caafimaad tii ugu darneyd.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa sheegay in Isbitaalka ay ugu deeqeen daawooyin wax badan ka qaban kara dhibaatada caafimaad ee halkaasi ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here