Cumaan oo war cusub ka soo saartay eedeymaha loo heysto wasiir Cabdisaciid

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda sare ee dalka Cumaan ayaa markii u horreysay go’aan ka soo saartay markab siday dhuxul, kaas oo la sheegay in uu ogaalasho ka heystay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhalisay in shaqada laga joojiyo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aysan ku lug-lahayn arrintaasi, sidoo kale ma muujinin wax cadeyn ah oo tusinaya in markabku uu ogolaansho ka helay wasaaradda ama codsi loo gudbiyey hey’adaha ay khuseyso ee dawladda Cumaan si ay u sii deyso markabkaas oo dhuxul siday, sida ku cad qaraarka maxkamada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa dhawaan lagu eedeeyey in uu isagu bixiyey amarka ah in dhuxul laga qaado dakedda weyn ee magaladda Kismaayo, taasi oo sababtay in ugu dambeyn isaga xilka laga qado, baarisna lagu bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here