Cumar Filish oo kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo Meel Wanaagsan Mareyso.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu Guddoomiye Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socoto dib u dhiska waddadaas oo ah mid ay baahi weyn u qabeen Bulshada labada gobol Maadaama isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhaxe Axmed Meyre Makaraan iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa deegaanka Caliyaale kusoo dhaweeyay kolanyada Duqa Magaalada Muqdisho, waxa ayna si wadajir ah warbixin uga dhageesteen howl-wadeenada ku howlan dib-u-dhiska lagu sameynayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kormeerkaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray xarun Caafimaad oo laga hirgaliyay Deegaanka Jamaal, kaas oo loogu talagalay in lagu daweeyo Hooyo iyo dhalaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here