Daawo: Dab geystay khasaare hantiyeed oo maanta ka kacay Suuq Boocle

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab geystay khasaare hantiyeed oo maanta ka kacay suuqa Boocle oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu ka dhashay koronto, wuxuuna baabi’iyey goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad u badan danyar.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mar dambe lagu guuleystay dabkaasi, kadib markii ay goobta gaareen gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee dab damiska.

Halkaan hoose ka daawo warbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here