Daawo: Maareeye oo eedeyn culus u jeediyay guddoonka BF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoonka golahaasi.

Maareeye oo hadal ka jeediyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in guddoonka uusan dhaqan-gelin waxa ka soo baxay doodaha Baarlamaanka.

“Guddoonka Golaha Shacabka ma dhaqan-geliyo waxa ka soo baxa doodaha Xildhibanaada,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la qaado tallaabooyin lagu saxo Baarlamaanka, si ay shaqada horay ugu socota, loona dhaqan-geliyo go’aannada ka soo baxa golaha.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here