Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Agaasimeyaasha Isbitaallada Muqdisho

0

MUQDISHO, Somalia  [Sh.M.N]–  Kulankan oo ahaa mid looga hadlayay wax ka qabashada xaaladdaha deg deg ah ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Musiibooyinka Qaranka, Maxamud Macalin, waxuu la qaatay agaasimeyaal ka socda Isbitaaladda Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka markii uu bilaawday, waxaa fursad la siiyay agaasimeyaasha Isbitaaladda si ay u cabiraan fekerkooda ku aadan wax ka qabashada xaaladdaha deg deg ah sida markii ay qaraxyo ku dhuftaan Magaalada caasimda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Maxamud Macalin ayaa sheegay in dhacdadii Soobbe 2 ay ku dhici karto qof waliba, isagoo xusay in Hay’addiisa ay kaashan doonto cid waliba si gurmad naf badbaadin ah loo sameeyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in iskaashi labo dhinac uu muhiim u yahay gumadka markii dhib uu ka dhaco Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Waxaa aad ii taabtay oo aan la hurdi waayay waxa ay tahay in qaraxyadii kadib meydadka laga soo saaray burburka dhismooyin dhowr ah. Waxaan hubaa in la badbaadin karay hadii la heli lahaa gadiidka loo yaqaano cagaf-cagaf”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Maxamud.

 

Guddoomiyaha waxuu kula dardaarmay madaxda Isbitaallada Muqdisho in gurmad naf badbaadin ah u sameeyaan dhibaneyaasha markii ay jiraan xaaladdo deg deg ah

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Hay’adda Musiibooyinka Qaranka, Maxamud Macalin ayaa ku ammaanay isbitaallada Muqdisho doorkii ay ka qaateen gurmadkii loo sameeyay dadkii dhawaan ku dhaawacmay labo qarax oo lagu beegsaday Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here