Daawo: Maxaa ka jira in laba gabdhood oo walaalo ah lagu afduubtay Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay afduub la sheegay in laba gabdhood oo walaalo ah loogu geystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shirkiisa jaraa’id ku beeniyey afduubkaas, wuxuuna sheegay in ay falkaasi soo abaabuleen labada gabdhood, kadib cabsi ay ka qabeen Aabahooda.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in sababta ay sidaasi u sameeyeen ay tahay inay kasoo daaheen guriga, xilli habeen ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabsi ay ka qabeen Aabahood ayey u dheheen waa nala afduubtay”, mana jirto gabdho la afduubtay” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here