Daawo: Muxuu madaxweyne Xasan ka yiri Badbaadada Koonfur Galbeed?

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda kacsan ee maamulkaasi, gaar ahaan Badbaadada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneyn in la abaabulo ciidan iyo Badbaado, wuxuuna tilmaamay in uu muhiim yahay in laga miro-dhaliyo wadahadalka haaatan billowday ee u socdo madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka.

“Nin baa igu yiri berri dhoweyd waxaad ahayd Badbaado Qaran ee maanta maxaad ku diideysaa Badbaado Koonfur Galbeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa madaxwena Soomaaliya waxa uu ka sheegay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo shalay ka qabsoomay magaalada Baydhabo.

Si kastaba, xaaladda maamulka Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aa du  kacsan, kadib markii uu muran ka dhashay doorashada ku soo foodka leh maamulkaas.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here