Daawo: Muxuu Sheekh Aadan Madoobe ka yiri dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo khudbad ka jeediyey kulanka wadajirka ah ee haatanxubnaha labada Aqal uga socdo magaalada Muqdiso ayaa si adag ugaa hadlay dooda hareysay xeerka Jinsiga.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ballan qaaday in xeer ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Dastuurka aysan marnaba horkeeni doonin xildhibaanada Baarlamaanka.

“Xeer khilaafsan Diinta Islaamka lama horkeeni karo baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay la socdaan walaaca culumada iyo shacabka Soomaaliyeed ee kuu aadan xeerka Jinsiga, kaas oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here