Daawo: Muxuu wasiir hore Oomaar ka yiri xaaladda maamulka Jubbaland?

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Jubbaland.

Oomaar ayaa marka hore ka horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe, wuxuuna ku eedeeyey inuu Jubbaland ka dhigay meel uu isaga leeyahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Kaliya waxaa wax lagu noqon karaa heshiis iyo in wax la’isla lahaado hal qof oo meel heysto xero u oodan tahay wuxuu raboo uu ka sameysanaayo ma noqon karo dowlad, waxaan rabnaa dowlad hana qaata, sida Puntland oo kale,” ayuu yiri wasiir hore Oomaar.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Axmed Madoobne uusan dooneyn in la xoreeyo deegaannada ka maqan gacanta Jubbaland ee ay hadda maamulaan Al-Shabaab.

“Madaxweyne Axmed Madoobe haddii uu rabo in Jubbaland la xoreeyo ciidan annagaa diyaar la ‘ah, balse isaga ayeyna ka go’neyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here