Daawo: Qaar ka mid ah ganacsiga waddada Maka Al-Mukarama oo xiran

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla waddada dheer ee Maka Al-Mukarrama oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada mehradaha ku leh inta u dhaxeysa Dabka iyo Sayidka ayaa albaabada isugu laabay goobahooda ganacsi, ayaga oo ka cabanaya xirnaashiyaha waddadaasi.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay inay wayeen cid wax ka iibsata, maadaama dhaq-dhaqaaqa waddada la hakiyey, islamarkaana laga mamnuucay gaadiidka iyo mootooyinka.

“Macaamiisha meel ay noo soo maraan ayey waayeen, anagana waan xirnay ganacsigeena” ayuu yiri ganacsade Qoobey oo ka mid ah ganacsatada xiray goobahooda ganacsiga.

Halkan hoose ka daawo:-

&nbsp

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here