Daawo: Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya inta badan Culimada Soomaaliyeed oo isaga kala timid gudaha dalka iyo dibaddiisa, maadaama shirka uu yahay  aad u sarreeya oo muhiim ah.

Sidoo kale shirkan ayaa ku saabsan doorka Culimada ee ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab, ayada si qoto dheer loo dul istaagi doono Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta Islaamka, Sharciyad Siinta Dawladdam gaar ahaan Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah iyo sidoo kale Dhisidda Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed.

“Shirka culimada wuxuu noqon doonaa mid isku keena madaahiibta kala duwan” ayuu yiri Sheekh Usuuli oo ka qayb-galaya shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Shirkan ayaa ku soo aaday, xilli muhiim ah, isla-markaana dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ay howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wado gobollada dalka, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay sii wadeyso, isla-markaana ay baraarujineyso qayb kala duwan ee bulshada, si loogu istaago amniga guud ee waddanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here