MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka.
NISA ayaa qaaday in ka badan illaa 30 howlgal oo lagu beegsaday Al-Shabaab, waxaana lagu dilay xubno ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida ay shaacisay.
Sidoo kale NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay shabakad Al-Shabaab u qaabilsaneyd Muqdisho, taas oo lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Waxa kale oo NISA u suuragashay soo qabashada xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa isku soo dhiibay hay’adda oo lagu sii wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee dowladda.
Halkan hoose ka daawo warbixinta.