Daawo: Xildhibaan Dhabancad oo jawaab kulul ka bixiyey eedeyntii Fahad Yaasiin

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdisalaan Dhabancad oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan weerarkii ay ku qaadeen ciidamada NISA, dagaalkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Fahad iyo Rooble.

Dhabancad ayaa marka hore si qoto dheer uga warramay arrimaha diblomaasiyadda, maadaama uu muddo dheer soo ahaa diblomaasi, wuxuuna ka hadlay xilliga ay soo bilaabatay taariikh ahaan iyo marxaladaha laga soo maray bilowgii, ama aas-aaskeedii.

Intaas kadib Dhabancad oo noqday ninka ugu da’da weyn baarlamaanka 11-aad, loona gartay inuu guddoomiyo Golaha Shacabka, illaa laga soo doortay Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay waxyaabihii uu la kulmay, gaar ahaan weerar uu sheegay inay ku qaadeen ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka xilli ay ku jireen howlaha doorashooyinka dalka.

“NISA ayaa nagu soo weerartay garoonka Muqdisho,” ayaa ku yiri wareysigaan oo uu siiyey Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii Fahad Yaasiin iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo markii dambe keenay in lalaalo kursigii uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Cabdisalaan Dhabancad ayaa sidoo kale jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Fahad ee ku aadanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna shaaca ka qaaday in markii laga hor istaagay kursiga HOP#086 uu Rooble ku gadiyey kiiska, sida uu hadalka u dhigay.

“Fahad kursiga markii laga hor istaagay ayuu kiiska Ikraan ku gadiyey Rooble,” ayuu markale ku yiri wareysiga guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay murankii ka dhashay xildhibaanadii lagu soo doortay gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceelwaaq oo mar dambe go’aan laga gaaray,.

Halkan hoose ka daawo waresiga oo dhammeystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here