Dab khasaare hantiyeed geystay oo ka kacay degmada Dharkenley

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab saaka ka kacay suuq Boocle oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dabka oo ah mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka billowday goob lagu iibiyo qalabka Electroniga oo ku taalla suuqaasi, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Sidoo kale dabka ayaa kusii fiday goobo kale oo ganacsi oo ka agdhowaa halkaas, sida ay innoo shegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda goobta ayaa haatan aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray gaadiidka dab damiska iyo dadweyne fara badan oo ku howlan daminta dabkaasi, si loo yareeyo khasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here