Dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay suuqa Seybiyaano

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xoogan oo maanta ka kacay suuqa yare ku yaallo xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan.

Dabka ayaa geystay khasaare kala duwan waxaana uu ka dhashay koronto, waxaana uu kusii fiday goobo ganacsi oo u badnaa baqaaro lagu iibiyo raashinka.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta gaareen gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ku guuleystay daminta dabkaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here