Dab khasaaro nafeed geystay oo ka kacay Boorama

0

Ugu yaraan sedex carruur oo isku qoys ahaa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dab qabsaday hooygooda oo ku yaalla Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

 

Carrurtan oo walaalo ahaa ayaa dhamaantood ku sugnaa guri ku yaalla xaafad lagu magacaabo Nafaqo markii uu dabka qabsanayay.

Goobjooge ayaa u sheegay Radio Shabelle in carruurta ay geeriyooday, maadaama aysan jirin wax gurmad ah oo gaaray hooygooda markii dabka bilaabanayay,

Waxaa uu intaasi ku daray in weli aan la ogeyn waxa keenay in dab ka kacay guriga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Kooxaha dab-damiska ay ku guuleysteen in ay baqtiijiyaan dabka.

Saraakiisha Booliska ee Magaalada Boorama ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan waxa sababay dabka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay karonto, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Si-kastaba, meydadka carruurta walaalaha ahaa ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here