Dab xoogan oo goordhow ka kacay warshad ku taalla Garoowe

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab goor dhow ka kacay dhismaha warshadda isbuunyada Tabaarak oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dabka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare hantiyeed oo fara badan, waxaana haatan socda gurmad lagu daminayo dabkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah, si looga hortego in dabka uu kusii fido goobaha kale ee ka agdhow warshadda.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa dhaliyey dabkan, waxaana sidoo kale damintiisa ka qeyb-qaadanaya shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here