Dab xoogan oo ka kacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa lagu soo warramayaa in dab xooggan uu ka kacay suuq ku yaalla xerada qaxootiga ee Dhagaxley oo ka tirsan xeryaha Dhadhaab ee Waqooyi Bari.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayay sawirrada holac iyo qiiqa dabka qabsaday halkaas.

Lamana ogo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan iyo sidoo kale waxa sababay intaba.

Marar badan oo hore ayuu dab khasaare badan geystay ka ka kacay suuqyada xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here