Dabley hubeysan oo laba ruux ku dishay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo caawa kooxo hubeysan ay ka geysteen isgoyska Baar-ubax oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Bamaadir.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay laba ruux oo lagu kala magacaabi jiray, Kowte Faarax Shiil iyo Cabdi Yuusuf Maxamed (Zeytuuni)

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka  Soomaaliya.

Sidoo kale labada nin ee la dilay ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dhacdadaan ayaa qayb ka noqoneyso dilal maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida Dharkenley iyo Dayniile oo ay kooxo hubeysan 24-kii saac ee la soo dhaafay ka geysteen dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here