Dad horleh oo haraad iyo gaajo ugu dhintay gobolka Gedo

0

Garbahaarey (SMN) – Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay marayso tirada dadka gaajada iyo oonka ugu dhintay gobolka, arrintaas oo ka dhalatay xaalad darran oo abaar ah oo fara ba’an ku hayso deegaannada gobolka.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay saameysay abaarta kaddib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta.

Dhawaan ayay ahayd markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in bisha May ee sanadka soo socda 7.7 milyan oo qof Soomaaliya ku nool ay kaalmo bani’aadanimo doonaan.

Arrimahaasi ayaan goor dhaweyd ka wareysanay guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here