BELEDWEYNE (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaraha dhimasho ee ka dhashay duqeyn la aaminsan yahay in diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Ugu yaraan 7 ruux oo ay ku jireen carruur ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen duqeyntan oo ka dhacday inta u dhaxeysa Degaannada Fiidow iyo Quracley halkaasi oo sida la sheegay ay weli ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Maxamed Cali Xuseen, Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Degmada Mahadaay ayaa wuxuu sheegay in duqeynta lagu beegsaday dadka Shacab ahaa, islamarkaana lagu dilay 7 qof oo carrur u badneyd.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Cali ayaa sheegay in Mareykanka xog qaldan laga siiyay, sidaasna uu ku fuliyay weerarkan, isagoona ku baaqay in Maamulkooda lagala tashado fulinta weerarada nuucan si buu yiri ay u tilmaamaan goobaha ay ku sugan yihiin Kooxda Al Shabaab.
Ilaa hadda majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ama militariga Mareykanka oo ku aadan duqeyntan.
Mareykanka ayaa inta badan weeraro dhanka cirka ka fuliya qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, markii Ciidanka Xoogga dalka ay qaadaan howlgallo ka dhan ah degaannada ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.