Dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano hoostaga Cadale + khasaaraha

0

CADALE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed uu dib uga qarxay deegaano hoostaga magaallo xeebeedka Cadale ee gobolkaasi.

Dagaalka oo u dhexeeyo laba beelood walaalo ah ayaa ka dhacay deegaanada kala Geelgub & Kooni-jiir, halkaas ay isku fara saareen maleeshiyaadka labada dhinac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ku dhowaad 20 qof ay ku dhinteen dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka sii badan.

Maleeshiyaadka labada beelood ayaa isku haya muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, kaas oo todobaadyadii u dambeysay xiisaddiisa laga dareemayey gobolka Sh/ Dhexe.

Dhinaca kale Ugaas Maxamuud Ugaas Cali oo u waramay Shabelle ayaa ka hadlay colaadaas wuxuuna sheegay inay bilaabeen waan waan lagu dhex dhexaadinayo beelaha.

“Waan waan ayaa laga dhex bilaabay labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya Degmada Cadale,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Ugaas Cali.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here