Dagaal beeleed khasaare geystay oo dib uga qarxday gobolka Galgaduud

0

CADAADO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed uu dib uga qarxay duleedka magaalada Cadaado.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa dib uga billowday deegaannada Baalle iyo Dhagax-dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa isku hayo dhul-daaqsimeed ku yaalla halkaasi, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkan, ayada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dhinacyada ku dagaalamaya halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here