Dagaal culus oo ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Buurweyn ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaankaas, balse waxaa kadib weerar rogaal celis ah soo qaaday Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay innoo sheegeen in dagaalka uu qaatay saacado badan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska horjeedo oo ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here