Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Qoryooley

0

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee ATMIS oo isku dhinac ah iyo Kooxda Al Shabaab, waxuu ku dhexmaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Xubno ka tirsan Kooxda Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin Degmada Qoryooley.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Ciidanka Uganda ee qeybta ka howlgalka ATMIS.

Waxaa dadka Degaanka ay sidoo kale sheegeen in si weyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS ay iska caabiyeen weerarkii Al Shabaab.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkan.

Xiriiro kala duwan aynu la sameynay Saraakiisha Ciidamada Dowladda innooma suuro-gelin in aan qadka teleefanka ku haleelno si aan wax badan uga weyndiino dagaalkii ka dhacay Degmada Qoryooley.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda halka uu dagaalka ka dhacay ay tahay mid deggan, islamarkaana uu dib u bilaawday isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here