Dagaal culus oo ka dhacay duleedka deegaanka Af-Urur

0

BOOSAASO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Af-Urur oo ka tirsan gobolka Bari.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay howlgal qorshaysan ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo buuraha isku uruursanayay si ay soo weeraraan Af-Urur.

Wararka ayaa sheegaya in mudda saacado ah ay rasaas ka dhacaysay dhinaca buuraha, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale saraahiisha ciidamada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalo qorshaysan ay ka  fuliyeen buuraha Af-Urur iyo sidoo kale jidka aada dhinaca Sugurre.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana deegaanka Af-Urur iyo nawaaxigiisa haatan laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here