Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose + khasaaraha

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan u geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here