Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta dib uga qarxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ku sugan duleedka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ay weerar ku qaadeen deegaanka Qowlad oo ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan sarkaalkaasi oo habeen hore weerar ku qaaday kolonyo uu ka la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, wuxuuna sidoo kale dagaalku saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here