Dagaal culus oo markale dib uga qarxay waqooyiga magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in markale uu halkaasi dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda Soomaaliya iyo xooggaga Ahlu Suna.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ah dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad rayid intaba.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo haatan xoogiisu uu ka socdo waqooyiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana gudaha Guriceel ka barakacay qoysaskii deganaa oo haatan ku dhibaateysan duleedka magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here