Dagaal culus oo markale ka dhacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay markale uu dagaal culus ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo saacado badan socday.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan, balse ma cadda inta uu la’egyahay.

Labada dhinac ayaa sidoo kale weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, waxaana mar kasta laga cabsi qabaa in dagaalka uu dib qarxo.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday rabshado xoogan oo haatan isku bedal gacan ka hadal iyo dagaal toos ah oo dhaliyay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here