Dagaal culus oo markale ka dhacay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale dagaal culus oo illaa xaalay soo gaaray uu ka dhacay deegaanka Ceel-dheere oo kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin halkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalkaas khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli howlgalka uu socdo, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee lagu gaarsiiyey Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here