Dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyO ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

 

Dagaalka ayaa salaadda subax kahor ka billowday dhowr jiho, gaar ahaan galbeedka, illaa bari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Waxaa lagu soo warraamayaa in dagaalka xoogiisa uu ka socdo deegaanka Moorgaan oo hoostaga magaalada Laascaanood

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana guullo ka sheegtay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka SSC oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qabsadeen gaadiid dagaal iyo iyo goobo ay ku sugnaayeen ciidamada milatariga Somaliland.

Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inay soo qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya argagixiso iyo kuwo kale nabad diid ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Somaliland ayaa sidoo kale shaacisay in ciidamadeeda ay iskaa difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka ku soo duulay.

Xaaladda ayaa haatan ah  mid aad u kacsan waxaana lagu soo warramayaa in weli xabada ay ka dhaceyso duleedka Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here