Dagaal culus oo saaka ka qarxay magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka qarxay magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna oo dhinac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo weeraray magaalada Guriceel oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ahlu Sunna.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here