Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn

0

WANLAWEYN (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka dhacay dgemada Wanlaweyn ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada ammaanka ay howl-gal ku qaadeen isbaaro maleeshiyaadkaasi u tiilay duleedka degmada Wanlaweyn, waxaana xigay dagaal toos ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale intaasi ka badan.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammanka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadka hubeysan, isla-markaana ay ku raad-joogaan kuwa kale oo baxsad ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here