Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareen ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay gudaha u galeen deegaanada Tuula-xaadow & Cabdi Haaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka inta uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu gaarsiisan-yahay

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi, balse waxaa haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here