Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad kale oo ku sugnaa deegaanka Dhisaqa ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaal saacado qaatay uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedkaasi, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan dhinacyada diriray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa duleedka degmada Matabaan er gobolka ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here