Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyada oo ay ku dhaawacmeen laba kale.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana Sabiid oo dhaca duleedka Afgooye howlgallo ka wada ciidanka milatariga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here