Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in muddo kooban dagaalyahanada Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta meesha uu dagaalku ka dhacay, ka gadaal markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab dagaalka, kadib ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here