Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay

0

BAYDHABO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado badan qaatay la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ku dhintay 1 askari, iyada oo ay jiraan dhaawacyo kale.

Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankooda shaaca ka qaadeen inay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here