Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan.

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka dhacay tuulada Bukure oo qiyaastii 60 km u jirta degmada Maxaas.

Ciidamada Dawladda oo ay tageerayaan miliishiyooyin deegaanka ah ayaa saaka salaaddii subax kadib weerar ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen xooggaga Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in 19 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duulaanka ay saaka qaadeen ciidamada Dawladda, isla markaana ay qabsadeen tuulada Bukure.

Gudoomiye Muumin waxa kale oo uu sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen labo askari.

In dhawaalaba deegaannada u dhaxeeya Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne waxa ay dagaallo goosgoos ah ku dhexmarayeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Dawladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, tobannaan qof ayaana lagu dilay dagaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here